LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Tahriibka ma Cuduf Baa

 


Sheekada Tahriibka markaad u fiirsato waa cudur nafsi ah oo dad badan oo kala nooca saamaynaya, soomaalida qaarkeedna wexeyba u taqaan (Buufis) ama wareer ama (isku buuqid) qofku uusan si miisaaman u fekeri karin, basle ay jiraan arrima nafsi ah, oo qaarna muuqdo qaarna aaney muuqan oo qofka go'aamadiisa raad ku yeelanaya. Hadii asbaabaha cudurkan loo fiirsadana anigu waxaan is iri waxaa u sababa, bulshada soomaiyeed dhexdeeda, marka xaalada badan oo kala duwan loo eego.

1) Qalalaasaha iyo dagaalada aafeeyey dalka soomaaliya, in ka badan 20 sano, taasoo keentay in la waayo Dawlad Dalka Maamulkiisa hanata, adeegyadii ay Dawladi Shacabkeeda u qaban jirteyna la waayo.

2) Arrintaas Dagaaladaas iyo Dawlad la'aan dalka uga cararaan, ama nolol la'aan uga tagaan iyagoo raadinaya nabad galyo iyo maciishad, oo ah labada bini aadamka uu ku nool yahay, kuna dagan yahay. 

3) Waxaa kaloo asbaabaha ka mida dadka markey Dawlad waayeen adduunkana ay rabaan inay maraan, wexay noqdeen dad xir xiran oo dalkiina aysan nolol u oolayn, dibadna laga ogolayn, taasoo ku kaliftay iney dalal kale waraaqahooda raadsanadan, mid dhow iyo mid fogba.

4) Dadka dibadaha u dhoofay gaar ahaan wadamada Bahda reer Galbeedka sida mareykanka, kanada, yurub, Australya iyo New zeeland, oo lacaga aad u badam wadanka iyo dadka usoo dira, lagana helana lacag la qaato iyadoo aan la shaqeyn, balse qof walba hoy iyo cunto ay Dawlada u ka faalo qaad, taasoo qof soomaaliya ka soo cararaya janna adduun ugu muuqato.

Asbaabaha iyo qeyrkood ayaan isleeyahay wey ka qeyb qaataan dadku inay badaha iyi berrigaba isku daadiyaan iyagoo ku riyoonaya inay gaarayaan noloshaas dhalaaleysa ee xaduudaha iyo badaha gadaashoods uga muuqata.

Tahriibka Nolol adkaatay keliya Looma Galo

Sida Dhabga ah, Tahriibka ama dhoofka silica loo maro, nolosha oo qofka ku adkaatay kaliya looma galo. Waxaan arkay dad ganacsi iyo dukamo leh oo tahriibaya. Waxaa jira kuwa tobanayaal kun heysta oo Tahriib galaya, qaarna ku dhinteen saxaaraha Liibiya. Waxaa jira dhalinyaro ( Rag iyo Dumar) leh oo reer koodii ladan yahiin, waxna heystaan oo tahriibka galaya. Waxaa jira dhalinyaro arday ah oo jaamacada ku kala baran, reerkooduna biilka usoo diro oo tahriibaya.


Buuggaan waxaa qoray sh. Ahmed Adris mohamed. Wuxuuna ugu macag daray socdakii geerida.

Post a Comment

0 Comments