LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Socdaalka geerida, soomaaliya iyo yurub,

                  Fikradda Buuggaan

Buugan fikradiisu wexey dhalatay, amase waxaan dhihi karaa, dhaqan gashay, bishii July sanadkii 2010, markaan ka qayb galay mu'tamarkii jaalliyadda magaalooyinka dalka switzerland, gaar ahaan magaalooyinka Geneva iyo lauzanne. Waxan u iri wey dhaqan gashay waqtigaas, maxaa yeelay, fikradda ah inaan arkayey qisooyinka tahriibka soomaalida in wax laga qodo wexey igu horeyn igu dhalatay, mar ka mid ah booqashooyin aan ku tegey dalka Holland oo dadka tahriibayashaa aad usoo galeen, sannadkii 2009 mar aan muxaadirooyin u tagay Tilburg, ayaa dhilinyatadii qaban qaabinayey shirka wexey isheegeen dadka shirka kasoo qeyb gelaya iney ku badan yahiin dadka soo tahriibay ee kaamamka ku jira.

Wexey ii sheegeen: in dadka kaamamka ku jira ay aad u faro badan yahiin, nooc walbana leeyahijn, Rag iyo Dumar, dhinyaro iyo waayeel, caruur iyo ciroole, hase yeeshee dhalinyaradu ugu badan tahay.

Wexeyna ii sheegeen: dhibaatooyin badan in ay dadkaas haysato, dhibaato ka weyn oo lixaadlehna ay soo mareeen intey tahriibka kusoo jireeen, ama dhinaca talyaaniga iyo saxaraha liibiya hasoo maraane, ama dhinaca suuriya iyo turkiga ilaa gariiga ha soo jeexaane, waxay intaas iigu dareen: sheekhow hadaad maqasho sheekooyinka ayvka sheekaynayaan, argagax ayaa kugu dhici lahaa, wiil ayaa nugu yiri: dhabarkayga eega, cad ayaa laga goostay anagoo badda saaran oo gaaja loo dhamaaday, qofkii iga dambeeyey ayaa, miciyaha i geliyey!! Iyo sheekooyim la mida oo yaan leh.

{Halkaan ayaa ku soo gudbin doonaa buugga uu qoray sh. Mohamed adris ahmed} SOCDAALKA GEERIDA.



Post a Comment

0 Comments