LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SOCDAALKII GEERIDA waxaa buugaan qoray SH. Mohamed Idris Ahmed

  

Buugaan waxaa qoray sheikh Mohamed idris Ahmed oo ah sheikh yada ugu waaweyn gayiga soomaalida, Sheikha oo usoo joogay dhibaatooyin badan oo ku dhacay dadka tahriibayasha ah oo kasoo qulqulaya wadamada saboolka ah ee uu ka mid yahay wadankeena.

Buugaan waxaa ku qoran qisooyin badan oo xanuun badan waxaa dareemaysa murugo runtii hadii aad aqrisid buugaan, dhamaan qisooyinkan ku qoran buugaan waxay ku dhaceen dhalinyaro soomaaliyeed wiilal, gabdho, hooyooyin, odayaal, tahriibku waxaa uu saameeyey dhamaan bulshada soomaaliyeed.

Waxaan laga been sheegi karin in shacabka soomaaliyeed dhamaanteed ay qalbiga uga jirto in ay mar uun tahriibaan waana wax kaliya ee dadka soomaaliyeed lacagta ugu badan ay ku bixiyaan waana u nugul yahiin  in lacag looga qaato barnaamij tahriib oo naftiisa ha ligeysa.

Waxaan halkaan kusoo bandhigi doonaa buuga uu qoray Sh. Mohamed idris Ahmed uu ka qoray tahriibka waxaana uu sheikhu sheegay in buugaan uu soo bilaabay sanadkii 2010 markaas oo uu tahriibka adduunka aad uga socday waana sanadihii ugu badnaa oo ay tahriibayaal badan badda ay cuntay oo xagaas naftooda ku waayey, Sheikh Mohamed Adris Ahmed waxa uu buugaan qoraalkiisa dhameeyey sanadii 2016 kii sheikhu waxa uu qorida buugaan umaray wadamo badan oo ku kala yaala 7 qaaradood ee adduunka si uu qisooyinkii soo maray uga warsado oo uu ugu soo bandhigo shacabka soomaaliyeed oo ilaa hada aan fikir wanagsan aan ka haysan tahriibka iyo dhibaatooyinka ku hareeraysan ee xanuunka iyo dhibtaba isku darsaday.

Sheikh Mohamed Adris Ahmed waxa uu buugiisan ku daray sababaha dhalinyarada ay ugu tahriibayaan dalal aysan isku diin iyo jinsi aheyn oo aysan ogeyn waxa ay kala soo kulmayaan  markay tagaan halkaas, wuxuuna Sheikhu sheegay inay sabab u tahay xasilooni-daro iyo shaqo la'aan dalal badan ka jirta oo keenu uu ka mid yahay, taas oo dhalinyarada galisa rajo xumo iyo nolol mustaqbal oo aan u muuqan.

BUUGAAN HALKAAN AYAA KALA SOCON DOONTAY INSHA ALLHA.

MAHADSANIDIIN.

Post a Comment

0 Comments