Qisadan waxay dhacday magalada Boorame ee gobalka owdal ee maamulka soomaaliland waxay dhex martay wiil iyo gabar ku noolaa magalada boorame, waxayna labadan is calmaday ku jireen waqtigooda waxbarashada ku waas oo ahaa isku school iyo isku xaafad.
Wiilka waxa la dhihi jiray muumin gabadhana muno waxayna qisadoodu ku bilaamatay walalnimo, madama wiilka uu ahaa wiil aad u xushmad badan mar walbana jecal in uu soodhaweyo xushmadna u muujiyo dumarka, waxanu ognahay in ay soo jiidashadu ka mid tahay xushmada oo qof kasta oo aad u muujisid xushmad uu dadka kale kaa jeclaanayo kuna tixgalinayo.
Gabadha ayaa waxaa soo jiitay xushmada uu dadka si iskumid ah ugu muujinayo muumin oo ay isku xaafad iyo isku school ahaayeen, wuxuuna ka dhex muuqday dhaman dhalinyarada ay isku loodka yahiin muuni wuxuu ahaa wiil afgaaban oo aan aheyn qof hadal badan, wuxuuna ahaa wiil dhoola cadeyn badan oo qof walba u muujiya farxad waana sababta ay muno u raadineyso muumin".
Waxaa siyaaday xiisaha muno xiisahana ma jiro qof la'og oo waa ku kiligeed muno mana hesho waqti ay kula hadasho muumin sababtuna waa in marwalba uu raaco asxabtiisa, waxay arintu sidaas ku sii socoto muno waa bukaan socod oo waxay la daaladhacaysaa jaceylka muumin siguna uu war mooga ka yahay.
Muno mar walba ay salamto muumin wuxuu uga qadaa si wanagsan laakiin intaa uma dhaafo gabadha oo hadal kale masii weydaarsado muno.
Muno ayaa maalin jimco ah waxay soo aaday magalada si ay ugu soo adeegto waaridkeed waxayna si kadis ah isku arkeen muumin oo isaguna magalada dan kayeeshay, waxayna la socon weyday " farxad iyo baqdin " waxay ku faraxday wiilka oo intaas oo dhan raadineysay inay heshay waxayna ka baqaday siday ugu sheegan laheyd jaceylka ay u hayso.
Waxayna go'aansatay inay wax walba u sheegto, weyna salamtay muumin si lamid wuxuu uga qaaday si wanagsan, waxayna ku tiri waxaan rabaa inan arin kaala hadlo muumin si aan dhibaato ku jirin ayuu uyari waa isheegk kartaa wll.
Lasoco part 2
0 Comments