LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

JACEYLII MADOOBAA PART 2

 

Waxay noo mareysay muno oo u yeertay wiilkay calmatay ee muumin, oo ay wax badan naawileysay inay mar uun hesho ama ay la kulanto muumin.

Muno markay la kulantay muumin, waxay kariweyday in ay  u sheegto waxa niyadeeda ku jira, waxayna hadalka ujeedisay xagaas iyo schoolka  waxayna afka soo dhaafin weyday waxa laabteeda fadhiya oo ah inay jaceshahay asaga.

Muumin isaga oo iska daacad ah ayuu usheegay muno inay tahay inay dadaalan oo diirada saaraan waxbarasha oo aysan fiicneyn in qofku inta uu ku jiro waxbarashada uusan waqtiga kulumin waxay dhalinyaradu ugu yeeraan haasawe.

Laakiin halka muumin uu madex xanuun ku riday muno oo ah qofka mar walba ka walwasho isaga hortaagan, waxayna gadaal u liqday calyada, ayadoo aad uga xumaatay hadalka muumin.

markii ay wada gareen suuqa muno ayaa waxaa ku siyaaday madex xanuun badan waxayna dub ugu laabatay gurideedii ayada iska ilowday dantii ay ka laheyd suuqa, waxay muno la jiiftay xanuun  aan la garaneyn mudo bil ah dhaqtar walba oo la geeyana waa la garan waayey xanuunka haya muno ( Jaceylka malahan dabiiib) markii ay kasoo wareegtay mudo dhowr isbuuc ah ayadoo la daaladhacaysa jaceylka muumin ogowna luguma daadin jaceylka loomana oga dhibtaas muno.

Waxay kusoo guryo noqotay schoolka ayada oo aan u imaan waxbarasho oo kaliya u timid araga muumin, muumin ma ahan wiil jeesjees badan ma jecli oo qofka uu yaqaano horay ayuu ka salamaya, markii uu idhihiisu qabteen muno waxa uu ku yari muno muno xagee jirtay wayahan waa lugu waayaye, muno hadalkii ayaa kasoo bixi waayey waxayna garan weyday sida ay u jawaabto, waxayna tiri!

Lasoco qeybta 3 ee jaceylkii madoobaaa.

Post a Comment

0 Comments