LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Jaceylka wuxuu badali karaa shakhsiyadada qofka aad tahay iyo jiheynta nolasha

 

Waxaan ognahay in uu jaceylku uu yahay dareen ilahay ku abuuray qof walba oo bila aadan ah, jaceylku iska keen keen ma ahan mid aad abuuran kartid iyo mid aad iska deyn kartid.

Waxaana jaan goynaya qofka aad jaceshahay maskaxdada iyo dareenkaga, laakiin waxaa jira kasbasho qof walba haduu uu dadalo uu helaa dadaalkisa, kasoo qaad waxaa jeclatay gabar lkn ayada kuma oga inaa jaceshay, waxay kaga baahan tahay dadaal iyo inaa u sheegato jaceylkaga jawaabta heshayna waxay jaan goyneysa jihadada nolosha.

Waxana jaceylku meesaal uu san u aheyn waxay yaabaha kale ee nolosha sababta waa in uu yahay wax aad mar walba aad ka fakareysid, iyo hami aan ogeyn oo masxadada ka guuxaya.

Waxaan ku siinayaa talooyin dhowr ah oo aad ku hanan kartid qofka aad jaceshay.

TALO

● waliga haka niyad jabin qofka aad jaceshahay oo ku dadaal inaadan ku qancin meel kasokeysa hanashadiisa.

● dhoola cadeynta waa wax aan ka marneyn meesha, khuburada jaceylka waxay sheegaan in dhoola cadeyntu ay tahay hanasho aad u wanagsan, markaste oo ruuxa aad jeshahay aad tustid waji furan waa markaste uu kuu soo dhawanayo.

● waligaa qofka aad jaceshahay hatusin inta uu le'egyahy jaceylka aad u qabtid, sababta oo ah shaqsi walba aad tustid wanaga iyo jaceylka aad u heysid waxa uu gara ismahadin taas oo keeni karta kale qofkas

● Hadyada iyo dhiiri galinta taasina waa mid aan meesha aan ka marneyn, ruux walba aad u geysid hadyed waxa uu usoo dhawanaya agtada, dhiirigalingu waa ku sii riixda guusha taas waa hanasho kale ayaduna.

Halkaan waxaan kusoo gudbinaa qisooyin jaceyl oo xanuun badan, iyo waliba talooyin jaceyl si maalinle ah""


Post a Comment

0 Comments