Bilowgii maqalkeyga online business wax badan kama aqaan laakiin waxaan aaminsana in uu yahay wax jira oo shaqeeya, lkn intaa wax dhaafsiisan ma jirin, dhowr jeer aan baarbaaray ma arag wax i qanciya oo aan ugu soo biiro online business ka.
Nolasha oo aad wajahdo waxay ku bareysa wax walba marka aad weydid wax aad u baahan tahay oo helitankeedu kaa xigo lacag, waa idiin soo sheeko dhaafaye waxaa jiray talo aan ka helay wiil aderkay ah oo ku nool dalka YAMAN sanadkii taladaas aan helay si rasmiya uma garanayo 2019 - 2020 baan u badinayaa inay tahay wuxuu i sheegay ader inan bilaabo suuqa sarifka adduunka ugu weyn ee FOREX dheg jalaq uma siin qorshaas aderkay ila wadaagay, muxuuna isheegay in uu asagu ibarayo oo uu faa'ido badan uu ka helay laakiin aniga waxaas muhiim iima aheyn oo gacanta waaridkay ayan dugsanayey mana ogeyn caqabadaha adduunka iyo wa ka run ah.
Runtii inaa fahanto ama aad aaminto in online ka laga helo xoriyad dhaqaale oo baaxad leh waxay kugu qaadaneysa waqti badan, aniga ahaan waxaan kusoo biiray mudo hada laga jooga sanad, online business ku waxa uu u baahan yahay samir iyo dulqaad wuxuuna u koraa si aayar aayar ah, ee ma ahan mid aad isku markiiba aad ku kifaaxaysid, aniga ahaan 8 bilood wax dhaqaala ah kama helin lkn aniga ayaa dhaqaale galinayey si aan wax uga barto
Lasaco qeybta labad ee qormadeena.

0 Comments