Waxaa mudo sanad ka badan dagaal ka socdaa bariga dhexe, dagaalkaas oo Leh wajiyo badan oo U dhaxeeya (Hamaas, Hisbulaah, Huutiyiinta Yeman oo galab ka helaya Iran, iyo Isreal oo ayadana galab weyn ka helaysa Wadamada reer galbeedka Sida Mareykanka iyo ingariiska) dagaalkaan Waxaa Ku dhintay dad Ku U dhaafaya 60k oo qof dhinacdaya dagaalamaya.
Isreal waxay doonaysaa iney ka taqluusto Hamaas oo ay gacanta Ku dhigto maamulka iyo amniga marinka Gaza Kaas sanadkaan ay ka sameeyen wax walba oo ay awoodeen ilaa Gaza oo dhan dhulka la dhigay oo duqeymo Waaweyn oo dad badan Ku dhintay ay ka fuliyeen YH, Hamaas waxay doonaysaa iney xoreysato dhulkeeda oo Sida xooga ah uga qaaday gumeystaha Isreal oo noqdaan dal madex banaan oo ayagu is Maamula, shacabkooda oo Ku jira dhib aad uweyn ay u horseedan hormar.
Gaza Maalin walba Waxaa laga Soo sheegaya gabood falada adduunka Ugu waaweyn oo lala beegsanayo dad rayid ah oo aan waxba geysan oo aanan Ku jirin dhinacyada loolamaya, shacabka reer Plastine 44k ayaa Ku dhintay duqeymahaas ay Isreal ka wado marinka Gaza,
Qaramada Midoobay: UN, Waxay ahaayeen kuwa mar walba ka hadla wax walba oo adduunka ka dhaca lkn waxay fashilmeen oo la ogaaday iney reer galbeed kaliya U adeegaan markii ay ka aamuseen wax ka socda marinka Gaza, Caruur Haween Ayaan Marin walba Ku baaba'aya Gaza hadana lagama hadlo oo wey ka aamusan yahiin.

0 Comments